Guulaha dowlada ay gaartey sanadka 2017
Waxyaabihii ugu Waa weynaa oo ay dowladda qabatay Waxaa ka mid ahaa
1. Gabre oo laga musaafuriyey dalka
2. Safaarada Itobiya oo laga rarey madaxtooyada
3. Safaarafa Jabuuti oo laga rarey madaxtooyada
4. Siyaasada carabta oo guul laga gaarey
5. Dhaqaalaha Dekkada iyo Madaarka oo 100% korodhay
6. 27 sano kadib Madaarka Aden Cade oo habeen Shaqo bilaabey
7. Dilalka qorsheysan ee xildhibaanada loo geeysan jiray oo la cirib tirey
8. Khilaafaadkii madaxda sare oo aan weli labada hogaan laga arkin
9. 115 Maxabiis dhalinyar laga soo daayey xabsiyada itoobiya
10. Dhalinyar maxabiis laga soo daayey xabsiyada Seychelles
11. Musuq maasuqii oo la yareeyey
12. La xisaabtan dhab ah oo lala sameeyey wasaarahada dalka iyo wax qabadkooda oo ay soo bandhigeen
13. Maamulka hawada Soomaaliya oo lagu soo celiyey gacanta umada soomaaliyeed.
14. Ilaalada Madaxweynaha oo laga wareejiyey amisom laguna wareejiyey ciidamada soomaaliyeed.
15. Awooda oo lagu soo celiyey shicibka
16. In badan 5,000 toban kun oo dhalinyar oo Shaqo abuuris loogu sameeyey Gobolka benadir.
17. Markii ogu horeysey oo shirarka wasiirada lagu qabtey Magaalada Kismayo
18. Abu Masuur Robow oo lasoo gacan geliyey.
19. Mushaaradka shaqaalaha doowlada iyo ciidamada oo si joogta ah loo bixiyo.
20. Qaraxyadii faraha badnaa oo muqdisho lagu arkin.
21. Ansixinta sharciga isgaarsiinta
22. Sameeynta ciidamada xasilinta caasimada oo aanan horay u jiri jirin.
23. Xakameeynta hubka ee caasimada iyo dalka intiisa kale qaasatan caasimada.
24. Militarigii faraha badnaa oo caasimada laga saaray laguna xareeyay xerooyin gaar ah.
25. Diyaar garow dagaal ka dhan ah cadowga somaliyed oo gabo gabo ah.
26. Amisom oo edab qaadatay joojisayna xasuuqa shacabka somaliyed.
27. La xisaabtanka shirkadaha degan xerada xalane iyo canshuur ka qaadistooda.
28. Saxiisa galitaanka heeshiisyo cusub oo dalka qadar lala galay si ay wadooyinka dalka iyo hay’adaha dowlada u dhisaan.
29. Duulimaadyadii nairobi oo toos u bilowday lana joojiyay rafaadkii rakaabka somaliyed lagu marsiin jiray wajeer.
30. Shaqaalaha doowlada oo aanan wax dal ku gal ah laga rabin wadanka kenya si sharafna u gali doona dalka kenya iyagoo baasaboorka diblomaasiga ku gali doona.
31. Socdaal nabadeed oo geesinimo leh oo madaxweeynaha kutagay gobolada qaar iyo heshiisyo muhiim ah oo la gaaray sida ahlu sunna iyo galmudug. Socdaalkaas oo u badnaa safar dhulka ah iyadoo aysan amisom shaqo ku lahayn raacina wafdiga madaxweeynaha…. sababtoo ah geesiyadii somaliyed kaliya baa ku filnaa difaaca madaxweeynahooda iyagoo wali ka yaraa 1000 nin.
NABAD_IYO_NOLOL