Falanqeynta. Khilaafka khaliijka waxaa ka faa’iiday dawlada Israel
Ma la socotaa in dawlada. Sacuudi Careebiya in ay o golaatay diyaaradaha. ay leedahay dawlada hindiya inay isticmaali karaan soohdinta hawada cirka ee dawlada sacuudigu leedahay ee marinka duulimaadka Delhi iyo Tel Aviv ah, sida aan ka akhriyey saxaafada wadanka Israel
Arintan ayaa noqonaysa markii ugu horeysay ee Saudi Arabia ay u oggolaato duulimaadyada safarka ee Israel inay isticmaalaan hawadooda.sacuudiga dawlada sacuudiga ayaa wax badan ka badeshay cunaqabatayn tii saarneyd wadanka israil.
Tallaabadan cusub ayaa loo arkaa inay astaan kale u tahay xiriirka soo wanaagsanaanaya ee Sacuudiga iyo Israel, oo sanadkii tagey yeeshay xiriiro qarsoon oo dhowr ah
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in wakaaladda wararka ee dalka Sacuudi Carabiya ay beeniyey warkan lagu Qoray saxaafada Israel ogolaashan waxna ka jirin
ogolaanshaha Riyadh waxay noqon doontaa in xaaladii duullimaadyada ka yimaada Hindiya iyo Israel ay waqtigu gaaban doono laba saacadood iyo nus saac, marka la barbar dhigo jidka hadda jidkii hore khadkan cusub waxay u sahlaysaa in duulimaadku uu yareeyo isticmaalka shidaalka iyo in iibka tikirada ay jabaan.
WQ: Maxamed Caalim