Jubbaland oo soo bandhigtay Ajaanib Shabaab ka tirsanaa
Ciidamada Ammaanka maamulka Jubbaland ayaa degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, waxa ay kusoo bandhigeen Ajaanib ka tirsan Al-Shabaab.
Ragga lasoo bandhigay ayaa u dhashay dalka Kenya, waxaana ay ka dagaallami jireen degmada Jammaame ee gobolka Jubbadda Dhexe.
Taliyaha ciidamada Ammaanka maamulka Jubbaland ee Dhoobley Heybe Axmed Cabdullaahi ayaa warbaahinta u sheegay in soo qabashadda raggaan ay sahashay ka dib xog ay keeneen Sirdoonka Jubbaland.
Waxaa uu sheegay xilligii raggaan la qabanaayay in ay kusii jeedeen dalka Kenya , halkaasi oo ay doonaayeen in ay ka geystaan Weeraro qorsheysan.
Taliyaha ayaa sheegay in ragga la qabtay ay tiradooda in ay yihiin Saddex nin, islamarkaana sharciga la marsiin doono.