Nin loo heysto qarixii 14-kii October ee Muqdisho oo dil lgu xakumay
Garsooraha maxkamadda ciidamada Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa qaaday dacwadda loo heysto ilaa shan nin oo ku saabsan qaraxii 14-kii Oktoobar sanadkii 2017-dii ka dhacay isgoyska Zobbe ee magaalada Muqdisho.
Laba ka mid ah eedeysanayaasha ayay maxkamaddu sii deysay kaddib markii lagu waayay dembiyadii loo heystay, halka labada kalena lagu riday xukuno kala duwan.
Xasan Aadan Isaaq oo ku eedeysnaa inuu madax ka ahaa kooxdii fulisay weerarkii Zobe ee 14-kii Bishii October ee sanadkii hore ka dhacay magaalada Mqudisho ayaa lagu xukumay dil toogasho ah.
Weerarkaasi oo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee abid ka dhaca Soomaaliya, ayaa waxa uu sidoo kale sababay argagax xooggan oo uu ku reebay dadka reer Muqdisho.