Maamulka Gobolka Kitui ee Kenya oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Somalida
Haweeneyda Guddoomiyaha ka ah Gobolka Kitui ee Dalka Kenya ayaa ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah dadka Soomaalida ee xoolaleyda iyo kuwa dhuxusha ee degaannadaas jooga.
Charity Ngilu,ayaa ku eedeysay Soomaalida Xoolo dhaqatada ah iyo kuwa dhuxusha ka shaqeeya in ay dhibaato ku hayaan beeraha iyo dadka degaanka.
Charity Ngilu,ayaa tiri “Dastuurka Kenya waxaa uu farayaa in qofka muwaaddinka ah uu xaq u leeyahay in uu difaacdo naftiisa iyo hantidiisa,sidaas darteed annaga waa inaan hubka qaadannaa oo aan iska dhicinnaa kuwa nagu soo duulay”.
Haweeneydan ayaa ku eedeeysay Soomaalida in ay yihiin kuwo hubeysan oo xoog Xoolahooda ku geliya Beeraha sidoo kalena dhuxulley ah iyaga oo hubeysan.
Waxaa ay sheegtay in dul qaadlka uu ka dhamaaday islamarkaana hadda wixii ka dambeeya dadka degaankaas ay ugu baaqeyso in ay hubka qaataan iskana celiyaan Soomaalida.
“Annaga ma tagno dhulkooda,kumaa xad gudubno,sanadkasta sidan ayey noo galaan,Ciidamada amaanka waxaa ay ka gaabiyeen in ay dadkan wax ka qabtaan,annaga ayey tahay markaan in aan iska celinno”,ayey tiri Charity Ngilu.
Waxaa ay ku eedeysay Somaalida in ay dilaan dadka sidoo kalena Beeraha ka bur buriyaan iyaga oo xoolaha ku daaqsada,halka kuwo kalena ay dhirtii degaanka si sharci darro ah u jarayaan iyaga oo aan fasax ka heysan maamulka,haddii lagala hadlana dagaal diyaar u ah.
Dowladda dhexe ayey ugu baaqday in ay arrintan wax ka qabato ama dadka degaanka u oggolaato in ay iska difaacaan waxa ay ugu yeertay farageliyayaasha duullanka ah.