Kooxo Hubaysan oo Magaalada Muqdisho ku dilay Mid ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.
Rag Hubaysan ayaa gudaha shirkada Hormuud qeybta degmada Waabari ku dilay mid ka mid ah shaqaalaha shirkada Hurmuud, waxaana lagu dhex dilay xafiiska shirkada ay halkaasi ku leedahay, sida warbaahinta u xqiijiyeen qaar ka mid ah shaqaalaha Shirkada isgaarsiinta ee Hormuud.
Sarkaalka u shaqeynayay Shirkadda Hurmuud ayaa magaciisa lagu soo koobay Suleyman, iyadoo kooxdii dilka geysatay ay ka baxsatay goobta, lamana oga sababta ka danbeysa dilka loo geystay ninkasi ka tirsanaa shirkada Hormuud.
Dhanka kale waa markii labaad maalmo gudahood la dilo shaqaale ka tirsan shirkada Hormuud oo ka dhaca Muqdisho, khamiistii la soo dhaafay ayay ahayd markii shaqaale ka tirsan shirkada Isgaarsiinta Hormuud Qarax miino lagula eegtay deegaanka Tareedisho ee duleedka Magaalada Muqdisho, mana jirto ilaa iyo hadda cid ka hadashay dilka Sarkaalkaasi.