Faah Faahinno Ka Soo Baxaya Duqeyn Ka Dhacday G/ Gedo
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn dhanka cirka ah oo Shalay gelinkii dambe diyaaradaha Kenya ay ka geysteen deegaano ka tirsan gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.
Duqeynta ayaa ka dhacday nawaaxiga degmada Ceel Waaq ee gobolkaasi, sida ay xaqiijiyeen ilodeegaanka ah.
Waxaana la sheegay in waxyeelo xoogan ay ka soo gaartay dadka Rayidka ah ee ku dhaqan deegaanada Miiga fog ee gobolka Gedo.
Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolkaasi oo ku aadan duqeyntaasi.
Balse inta badan diyaaradaha Kenya ayaa duqeymo xoogan ka fuliyay Koonfurta Soomaaliyaa, gaar ahaan deegaanada ay ku xoogan yihiin Al Shabaab.