Dowladda Kenya oo shaacisay inay dhaqan cilin u sameyneyaan Dhalinyaro ka soo goosatay Al-Shabaab.
Warbixin uu Daabacay Wargeeyska the standerd ee Kenya ka soo Baxa ayaa lagu sheegay in dhaliyaro Kenyaati ah oo ilaa 60 -ruux oo ka soo baxay Al-Shabaab Qaarkoodna ay arday hore ahaayeen dhaqancelin loo samaynayo, iyadoo dhaliyaradaasi lagu hayo goobo qarsoodi ah sida ay xaqiijiyeen laamaha Ammaanka Kenya.
Wargayska The standard ayaa warbixintiisa ku sheegay in Dhalinyaradda Al-Shabaab dib uga soo baxday ay ka mid tahay Gabar uusan Wargeeysku Magaceeda saxda ah isticmaalin oo Sheegtay inay Al-Shabaab ku Biirtay markii ay aamintay in waalidkeedu aysan jeclayn.
The standard ayaa sidoo kale daabacay magayada laba wiil oo kala ah Axmed iyo Cali, iyadoo wiilashaasi ay markoodii hore ay baxayeen ay aaminsanaayeen inay Caawinayaan Walaalahooda Muslimiinta ah ee Jihaadka ku jira, Laakiin waxay sheegeen in laga Badali wayay Furinta hore ee Dagaalka.
Dhanka kale Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dhalinyaradaan ka Caawineyso sidii markale dib uga noqonlahaayen Bulshada oo ay nolosha kaalin ka qaadan lahaayeen, iyadaa dhaliyaradaan ka bar bar dagaalamayeen Al-Shabaab, intii u dhexeysay sanadihii 2016 kii iyo 2017-kii, iyadoo 54 ka mid ah dhalinyaradaasi ay ahaayeen Arday dhigata Jaamacaha Kenya.