| | 66 views

Qarax dad badan ku geeriyooday oo ka dhacay Liibiya

Dadka dhintay ayaa u badnaa Jameecada Masaajidka ku dukaday Salaadda Cisha,waxaana qaraxa 1aad uu dhacay markii ay masaajidka ka soo baxayeen.

Ugu yaraan 27 Qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen kaddib markii xalay fiidkii ay labo qarax ka dhaceen Masaajid ku yaalla Magaalada Bariga Liibiya ku taalla ee Benghazi.

Intaas kaddib 15 daqiiqo ayuu qarax kale dhacay iyada oo dadkii soo gurmaday ay ku howllanyihiin daad gureynta dadka ku waxyeelloobay qaraxa 1aad.

Dadka dhintay waxaa ay u badanyihiin shacab inkasta oo ay ku jiraan Ciidamo ka tirsan Dowladda Liibiya oo xilligaas goobta ka dhawaa.