Somaliland oo xukun ku ridday suxufiyiin ka howlgala magaalada Berbera
Laba suxufi oo ka hawlgala magaalada Berbera ayaa maxkamadi maanta ku xukuntay midkiiba toddoba bilood oo xabsi ah, ka dib markii sida ay maxkamaddu tiri lagu helay dembi ah baahinta war sumcad dilis ah oo ka dhan ah maayarka magaalada Berbera.
Labada suxufi oo kala ah Axmed Siciid iyo Cabdiraxmaan Maxamed ayaa ka hawlgala warbaahinta telefishannada qaarkood, waxaana dacwaddoodu socotay iyagoo dammaanad ku jooga.
Sida uu warbaahinta u xaqiijiyay garyaqaanka u doodayay labadan saxafi, Guuleed Axmed Jaamac, labada suxufi waxay hore ugu eedaysnaayeen faafinta warar been abuur ah iyo kicin dadweyne, hase ahaatee, maxkamadda gobolka Saaxil ayaa go’aanka ay maanta soo saartay ku sheegtay in lagu helay oo kaliya baahinta war sumcad dilis ah.
Saxafiyiinta ayaa markii dambe, sida sharcigu u fasaxayo, xadhiggaas loogu beddelay ganaax lacageed.