Dadka gobolka Hawaii oo ka khalkhalay digniin weerar gantaal ah
Dadka kunool gobolka Hawaii ee dalka Mareykanka ayaa waxaa soo wajahday Cabsi xooggan ka dib markii mid ka mid ah howlwadeenadooda uu si khaldan u riixay bar loogu talagay in laga dirro digniinaha khatarta soo wajahan, taas oo dadka loogu diray digniin ah in gantaal riddo dheer uu gobolka ku soo wajahan yahan.
Gudoomiyaha gobolka Hawaii , David Ige Mr Ige ayaa raaligelin ka bixiyay khaladkaas dhacay , waxaana uu sheegay in bulshadda ay saacado ku jireen Cabsi.
Dadka gobolka Huwaii ayaa aroortii hore ee subaxii Sabtida waxa ay hal mar ku baraarugeen digniin culus oo ah in gantaal riddo dheer uu ku soo wajahan yahay ayna tahay inay gabbaad raadsadaan.
Balse markii dambe digniintaasi ayaa waxa ay noqotay mid si khalad ah lagu diray.
Dhanka kale dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in baaritaan buuxo arrintaasi lagu sameyn doono.