Ciidamo AMISOM ah oo si aad u hubaysan oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb.
Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug kuwaas oo u jeedka ay u tageen dhuusamareeb lagu sheegay inay sugaan ammaanka magaalada inta lagu guda jiro booqashada madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ku joogo deegaano ka tirsan maamulka Galmudug.
Cutubka AMISOM ee gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa ah kuwoo aad u Hubaysan oo sita gaadiid dagaal iyo hubka nuucyadisa kala duwan, waana ciidamo si gaar ah u tababaran.
Dhanka kale Ciidamadaan ayaaka soo ambabaxay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waana ciidamo si aad ah u feejigan, waxayna sugayaan ammaanka madaxweynaha iyo Wafdiga la socda.