| | 33 views

Cabdi Faarax Juxa “Anoo airporka Ku Sii Socda Ayaan Maqlay in xilkii Wasiirnimo Leyga Qaaday…”

Cabdi Faarax Juxa oo saaka wareegto ka soo baxday Ra’iisul Wasaaraha looga qaaday xilkii Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in xil ka qaadistiisa uu ka ogaaday Idaacadaha.

Juxa ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay inuu xil ka qaadista ka war helay isaga oo u socday Garoonka diyaaradaha, si uu u agaasimo booqashada Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Puntland.

Mr Juxa ayaa maalmo ka hor kormeer ku tagay degmada Beledxaawo, halkaasoo ay ka taagneyd xiisad ka dhalatay darbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduuda iyo dhul boob ay ka wado qeybo ka tirsan degmada Beledxaawo.

Waxaa uu gacanta ku hayay warbixinta safarkiisa iyo wixii uu kala soo kulmay, waxaana lagu waday inuu horgeeyo Golaha Wasiirada.

Akhriso Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook

Waxaan saaka aniga oo Airport-ka u socda, si aan u agaasimo booqashada Madaxweynaha ee Puntland, idaacadda ka ogaaday in Xilkii Wasiirnimo layga qaaday. Xilku waa meerto waana loo siman yahay. Waxaan u mahadcelin Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Khayre oo igu sharfay inaan Xukuumaddooda ka mid noqdo.

Waxaan ku dadaalay intaan xilka hayay inaan qabto wixii karaankay ah. Waxaan soo dhoweynayaa Wasiirka xilka igala wareegaya, waana ugu ducaynayaa in Ilaah Shaqada ku asturo. Waxaan bogaadinayaa dhammaan intii ila soo shaqaysay, gaar ahaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Golihii Wasiirada aan ka midka ahaa, shaqaalaha Wasaaradda, Hay’adaha Caalamiga ah iyo dhammaan asxaabtii aan shaqada iyo Shaashadaha isku baranay.

Dalku waa Federaal, taladu waa wadaag, Dantuna waa isku tolan, xataa haddii fekerka lagu kala duwan yahay. Raali gelin iyo Cafis dhammaan intii aan qoobka isaga istaagnay intaan xilka hayay feker ahaan iyo shaqo ahaanba.

Guul iyo Gobanimo dhammaan