| | 71 views

Gaari laga soo buuxiyay Walxa Qarxa kuna soo socday Muqdisho oo ay duqeeyeen diyaarado dagaal.

Faah faahino ayaa ka soo baxaya Gaari la sheegay inay ka buuxeen waxyaabaha Qarxa oo Muqdisho ku soo wajahnaa, kaas oo la sheegay in duleedka degmada Afgooye ee gobalka Sh/Hoose Diyaarado dagaal ay ku duqeeyeen.

Dadka degan degmada Afgooye ayaa sheegay inay maqleen dhawaaqa Madaafiic, kadibna ay xigtay Dhawaaqa qaraxyo kale, iyadoo gaariga la duqeeyay lagu sheegay inuu ahaa Gaari Caasi ah oo marayay deegaan qiyaastii 30-KM meel u jira Afgooye socday, iyadoo saraakiisha ammaanka ay sheegeen inuu Muqdisho ku soo socday.

Dhinaca kale xubno ka tirsan maamulka Degmada Afgooye ayaa sheegay inay jiraan warar kale oo iyana sheegaya in Gaariga aan la duqeyn, balse uu iska qarxay kaligiis, hase yeeshee lama oga sababta dhabta ee Gaariga qarxay ka dambaysay, iyadoo horay ay Ciidamada Maraykanku u duqeeyeen Gaari noocaan oo kale oo waxyaabo qarxa u soo wada Caasimada Muqdisho.