Maamulka K/Galbeed oo shaaca ka qaaday inay isa soo dhiibeen Saraakiil Al-Shabaab ah.
Nuuradiin Yuusuf Abuukar Afayeenka maamulka K/Galbeed ayaa sheegay inay isa soo dhiibeen Saraakiil sare oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo ku sugnaa Deegaanada uu ka arimiyo Maamulka K/Galbeed.
Al-Shabaabka isku soo dhiibay K/Galbeed ayaa la sheegay inay ka howlgali jireen Degmada B/Hakaba, wuxuuna Afayeenka ayaa sheegay in raga isa soo dhiibay ay ahaayeen laba ruux oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo hada Gacanta ugu jira Ciidamada ammaanka.
Ragaan isa soo dhiibtay ayaa ka tirsanaa Qeybta amniyaadka sida uu sheegay afayeenka K/Galbeed, waxayna ku sugnaayeen dhulka Baadiyaha ah ee degmada Buur-Hakaba, iyagoo la soo xiriiray maamulka degmadaasi.
Dhanka kale K/Galbeed ayaa sheegtay in maalmahaan ay soo kordhayeen Maleeshiyaadka ka soo goosanaya Al-Shabaab, waxayna iska soo dhiibeen intooda badan Gobalka Bay.