| | 146 views

QM oo ka walaacsan burburinta xeryaha barakacayaasha ee Muqdisho

Sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska gargaarka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu si aad ah ugu xun yahay burburinta Xerooyin ay deganaayeen kumanaan Barakacayaal oo ku yaalla deegaanka KM 13 ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Xiriiriyaha arrimaha gargaarka bani’aadanimada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Peter de Clercq ayaa sheegay in dhawaan la burburiyay 23 Xero oo ay deganaayeen illaa 4,000 oo Barakacayaal ah.

Mr de Clercq ayaa xusay in ay tahay wax laga xumaado in Qoysaskaasi danyarta ah laga saaro deegaanadii ay ku noolaayeen, isagoo intaasi ku daray in qaar ka mid dadkaasi ay ka yimaadeen deegaano fog fog.

Ugu dambeyn Xiriiriyaha gargaar Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhamaan Soomaalida in ay ixtiraamaan, isla markaana ay ilaaliyaan dadka ka soo Barakacay colaadaha iyo abaaraha ku dhuftay qeybo ka mid ah Dalka.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dad ka badan 2 Million oo Soomaali ah in ay ku barakaceen colaado iyo abaaro xoogan oo sannadkii hore ku dhuftay qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Iyadoo intaasi ku dartay in dad gaaraya 6.2 oo Soomaali ah ay xilligan u baahan yihiin in ay helaan gargaar deg deg ah.