Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo la siinayo tababar ku aadan qaababka looga hortago Qaraxyadda
Booliska AMISOM ayaa tababar soconaya 10-maalin Muqdisho ugu furay Ciidamada Booliska Soomaaliya, kaasi oo lagu barayo sida fudud ee lagu ogaan karo Aaladaha Qarax ee loo yaqaano “Improved Wired Explosive Devices (IEDs)”
Tababarka ayaa loogu talagalay in lagu qalabeeyo saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliya,waxaana sidoo kale intuu socda lagu baranayaa Xirafado muhiim ah oo looga hortagayo, laguna xakameynayo,sidoo kalena lagula dagaallami karo weerarrada Qaraxyada ee Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa hubkooda ugu wayn wuxuu noqday inay isticmaalaan walxaha Qarax , iyagoo u adeegsanaya dagaalada magaalooyinka waa weyn iyo waliba iney ku aasaan wadooyinka,taasi oo loo arko iney tahay khatarta ugu weyn ee Ammaanka.
Dhanka kale sarkaalka AMISOM ee Tababarkaan bixinya oo lagu magacaabo Hassan Guhaad Cabdullaahi, ayaa sheegay in tababarkaan muhiim u yahay Ciidamada Booliska Soomaaliya sababtuna ay tahay in Al-Shabaab hadda hubka keliya ay adeegsadaan ay tahay Walxaha Qarxa (IEDs), iyadoo Qarashka ku baxaya Tababarkaan ay bixineyso Dowladda Japan ayaa la marsiinaya Xafiiska QM ee adeega mashaariicda (UNOPS).