Duqaymaha Maraykanka ee Soomaaliya oo ay ku dhaawacmeen 2-Kenyan oo ka tirsanaa Shabaab.
Warbaahinta Kenya ayaa Baahiyay in Muwaadiniin Kenyan ah ay ku dhaawacmeen Duqayn uu Mareeykanku Soomaaliya ka geeystay, kuwaas oo ay sheegeen inay ahaayeen Rag ay laamaha amaanka Kenya la socdeen.
Ragaan Kenyaatiga ah ayaa ka mid ahaa Al-Shabaab waxayna magacyadoodu kala ahaayeen Maxamed Axmed faarax iyo Cabdullahi Waliif kuwaas oo ka Badbaaday Duqayn uu Mareeykanku ka Geystay xarun ay Al-Shabaab ku tababaraan Maleeshiyaadkooda.
Wargeeyska the Nation ayaa sheegay in Ragaasi hadda lagu daweynayo Xarun Caafimaad oo ay Al-Shabaab leeyihiin, sida ku cad Qoraalo ay Ciidamadda amaanka Kenya Wargeeyska la wadaageen.
Dhanka kale khamiistii la soo dhaafay ayaa Diyaarado dagaal oo dowladda Kenya ay leedahay, waxay Duqeeyeen Xarun Al-Shabaab ay lahaayen, waxayna ku dileen labo ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab, Halka Afar kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu qoray Wargayska Daily Nation