| | 139 views

54 arday oo jaamacadaha Kenya ka tagay si ay ugu biiraan kooxda Al-Shabaab.

Ugu yaraan 54 Arday ah oo ka tagay waxbarashadoodii ayaa ku biiray Al-Shabaab, 2-dii sano ee la soo dhaafay sida ay shaaciyeen Booliiska Kenya.

44-Ardaydaas ka mid ah oo wax ka baranayay Jaamacaha Kenya ayaa Sanadkii 2016-kii ku Biiray Al-Shabaab, Halka Sanadkaan 2017-kana ay ku Biireen 14 Arday.

Tiradda Ardayda ah ee Al-Shabaab ku Biiri jiray ayaa hoos u dhac ku yimid,iyadoo Booliisku arrintaasi ku sheegeen in Hey’adaha Argagixiso la dagaalanka ee Dowladda Kenya ay Sabab u tahay hoos u dhacaasi.

Wargeeyska The Standard soo soo xigaya Warbixin uu sheegin Cidda Soo saartay ayaaa Daabacay in Guusha ugu badan laga soo hoyay dadaaladda Dowladda Kenya ee Argagixiso la dagaalanka, kuwaas oo suurta galiyay in dadka iyo laamaha Ammaanka ay isku soo dhawaadaan islamarkaana Dadka rayidka ah ay si iskood ah Xogta u siyaan laamaha Ammaanka Kenya.

Ciidamadda Kenya ee Gaaf wareegaya Xuduuda u dhexeeysa Kenya iyo Soomaaliya ayaa sidoo kale ka qayb qaadatay inay yaraadaan Tiradda Ardayda ah ee Al-Shabaab ku biiri jiray sanadihii la soo dhaafay, sida Wargeeysku ku waramayo.

Dhinaca kale dhalinyaradaas qaarkood waxay ku biireen garabka Al-Shabaab ee Kenya ee Al-Eyman loo yaqaano, iyo Garabka Soomaaliya, waxaa sidoo kale la aaminsan yahay in qarkood weli ka barbar Dagaalamaan Al-Shabaab, Halka Qaar kalena ay Dalkooda dib ugu laabteen