Shirib: Afar walxaato “Dh” ku taal Soomaalidoo dhan waa dhibkeed
Afar walxaato “Dh” ku taal
Soomaalidoo dhan waa dhibkeed
(1).Inta dhigeyga meel dhigtaan
dheeraad rabaahu waa dhibkeed
(2.)Dhibya xumoon dhamaad leheyn
abaal ladhaamo waa dhibkeed
( 3).Dhaqanya marti dhowrideed
in lagu dheelo waa dhibkeed
(4.)Dhulkaaga igusoo dhaweey
dhaxalna sheego waa dhibkeed
*Ninba mahoow kudhaqanyoo
Rabbi kudhowray dhaafimaa
*Dhulkaanu dadka wow dhextaal
dhiishaasa ninba meel dhigtaa
*Dhaxalna duulkii loo dhaloo
rabi udhigay waa udhaaf
*Martiyad soo dhaweysatoo
dhabtaadi rabta waa dhibleey
*Waxaa ka dhigan dhiiladaas
dhulka bannaadir waa dhexyaal
dhibaa jiree isoo dhaweey
waa dhacday oo la dhibsamaa
*Bal dhaha aan dhegeysanee
goboladoo dhan waa dhexyaal.
Salaad Hassan Ali