DEGDEG: Gaari nooca xamuulka ah oo ku qarxay duleedka Muqdisho
War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in gaari nooca xamuulka ah uu ku qarxay wadada Carafaad oo ka tirsan degmada Yaaqshiid magaalada Muqdisho.
Sida ay sheegayaan goob joogayaal ku sugan halka uu qaraxa ka dhacay ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta ayaa iyagu halkaasi ku joojiyay gaarigaasi kaddibna is qarxiyay.
Gaariga qarxay oo ahaa nooca xamuulka ayaa la sheegayaa in la doonayay in lagu qarxiyo bartamaha magaalada Muqdisho, hase yeeshee ciidamada xasilinta Muqdisho ayaa iyagu ka hortegay.
Wixii warar ah ee ku soo kordha waan idiin soo gudbineynaa Insha Allah.