| | 76 views

Maamulka Koonfur Galbeed oo ciidamo fara badan u diray Deegaan Al-Shabaab ay ku sugan yihiin

Wararka ka imaanaya Dagmada Bardaale ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in Ciidamada Koonfur Galbeed, gaar ahaan Booliska gaarka ayaa maanta u dhaqaaqay degaano hoostagga Degmada Bardaale oo lagu sheegay Maleshiyaad Al-Shabaab ah.

Ciidamadaan K/Galbeed ayaa howlgalkooda ayaa howlgalkooda lagu sheegay mid qorshaysan, maadaama ay ku baxeen ciidankaasi xog rasmi ah oo ku aadan meelo looga soo sheegay inay Shabaab ku sugnaayeen.

Taliyaha Ciidamada hawlgalada ee Degmada Bardaale Madguud Macalin ayaa Warbaahinta u sheegay in deeganadii ay tageen ay ka waayeen Shabaab,kadib markii Al-Shabaab ay isaga tageen halkaai markii ay maqleen in ciidamo fara badan ku soo wajahan yihiin.

Dhanka kale Ciidamada K/Galbeed, ayaa maalin kasta sameeya hawlgalo la sheegay inay ku baadigoobaan goobaha Al-Shabaab isku uruursanaya ama lagu sheego inay ku sugan yihiin.