| | 421 views

Tirada Xildhibaanada Saxiixay Mooshin Xilka loga qaadayo Madaxweyne Farmaajo oo la shaaciyay

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku mashquulsan diyaarinta mooshin la sheegay in laga gudbinayo Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Mooshinkan waxaa wada Xildhibaano mucaarad ku ah dowlada Soomaaliya kuwaa oo  doonaya in Madaxweynaha xilka laga qaado ama ugu yaraan cadaadis Siyaasadeed u saaraan Madaxweynaha.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya ay saxiixeen 96-Xildhibaan , waxa uuna tilmaamay in mooshinkaasi si deg deg ah u gudbin doonaan.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Mahad in Xildhibanao katirsan Baarlamanaka Soomaaliya oo ku shiray magaalada Muqdisho ay ka codsadeen Gudoonka Baarlamaanka in dib loo furo kalfadhiga Baarlamaanka si mooshinka u gudo galaan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay qoreen Warqad ay ku codsanayaan in dib loo furo kalfadhiga Baarlamaanka , waxa uuna tilmaamay in aysan wali warqadaasi u gudbin Gudoonka Baarlamaanka ,balase doonayaan in si deg deg ah ugu gudbiyaan.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hada ku jira fasax labo bilood ah, waxaana Xildhibaanada Mucaaradka ah ee doonayaan in mooshin ka gudbiyaan Madaxweynaha wadaan qorshe ay ku doonayaan in si deg deg ah dib loogu furo kalfdahiga Baarlamaanka.