| | 62 views

Taliska Mareykanka AFRICOM oo sheegay xubno Shabaab inay ku dileen duqeyn Beerxaani ka dhacday

Ciidamada dowladda Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee lagu magacaabo AFRICOM ayaa War kasoo saaray duqeyntii ay Jimcihii ay ka fuliyeen deegaanka Beerxaani oo 60-KM dhinaca Galbeed uga beegan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Warka kasoo baxay Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid qorsheysan, islamarkaana ay ku dileen Xubno muhiim ah oo ka tirsan Al-Shabaab.

Waxa ay sheegeen in aysan jirin Qof shacab ah oo ku dhintay weerarkaas islamarkaana ujeedada weerarka uu ahaa bad baadinta Muwaaddiniinta Mareykanka ah,ka hortagga weerarro argagixiso oo laga qorsheynayay degaankaas iyo in dowladda  Soomaaliya iyo Amisom ay kala shaqeeyaan amaanka.

Taliska ayaa xaqiijiyay in Weerarkaasi lagu dilay 8 xubnood ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kalena ay ku burburiyeen Gaari dagaal.

Hadalka kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Africom ayaa kusoo beegmaya xilli saraakiisha Ciidamada dowladda ay sheegeen in duqeyntaasi lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.