Axmed Cali Daahir “Shaqsiyaad ku Howlan Duminta Qaranka ayaan weli raadinaynaa..”
Xeer-ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho wuxuuna sheegay inay ku raad joogaan shaqsiyaad uu sheegay inay ku Howlan yihiin Duminta Dowladda Soomaaliya.
Axmed Cali Daahir wuxuu sheegay inay ku raad joogaan shaqsiyaad isugu jira siyaasiin iyo mas’uuliyiin Dowladda ka tirsan oo ku howlan Qiyaano Qaran wuxuuna sheegay in la soo qaban doono shaqsiyaadkaasi dhawaana si loogu soo bandhigo Shacabka.
Dhanka kale Xeer ilaalinta ayaa hadalkiisa wuxuu daba joogay Howlgal ay xalay Ciidamada ammaanka ka sameeyeen Guriga Siyaasiga mucaaradka ah ee C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame,iyadoo Howlgalkaasi uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.