| | 32 views

Xildhiban Saabir”Xafiiska Madaxweynaha & RW ayaa Maalmahaan Dagaal & Caburin ku hayay Xildhibaanada..”

Xildhibaan Cabdi Saabir Nuur Shuuriye oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay warka Maanta ka soo yeeray Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr Axmed Cali Daahir.


Cabdi Saabir Nuur Shuuriye ayaa sheegay in Warka ka soo baxay Xeer ilaaliyaha Qaranka uu yahay been abuur ah iyo war aan sal iyo raad midna laheyn,wuxuuna sheegay in Hadalka Xeer ilaaliyaha ka soo baxay uu yahay mid Sharci daro ah oo Xaqiiqda ka baxsan.
“Eedaymaha naloo jeediyay waxaan aaminsanahay in aysan ka imaan Xeer ilaaliyaha,balse ay ka timid Xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo Mudooyinkaan Dagaal iyo Caburin ku hayay Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya”ayuu yiri Xildhibaan Saabir.
Dhanka kale waxaa maanta Shir Jiraa’id oo uu Saxaafadda ugu qabtay Magaalada Muqdisho Xeerilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir uu ku sheegay in Labo Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ay Dhaqaale ku soo qaateen Duminta Qaranka, isagoo Guddoonka Golaha Shacabka ka dalbaday in Xasaanada laga qaado labadaasi xildhibaan.