Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigii la socday oo manta dalka dib ugu soo laabtay
Wafdigii uu Hogaaminaayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii ay ka soo qayb galeen shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka ee lagu qabtay Dalka Turkiga.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka kala socotay golayaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Intii uu ku sugnaa Madaxweynaha ayuu magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga wuxuu kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah madaxdii shirkaasi ka qayb gashay, iyadoo ay hoggaamiye waliba ka wada hadleen xoojinta xiriirka wadamadooda.
Dhankakale Madaxweynaha ayaa Turkiga kaga soo qeyb-galay shir deg-deg ah oo ay isugu imanayeen Madaxda Dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) markii uu madaxweynaha dalka Maraykanku ku dhawaaqay in magaalada Qudus ay tahay Caasimada Israa’iil.