Dagaal ciidamo ka wada tirsan dowladda xalay ku dhex maray Kaaraan
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan dowladda oo xalay ka dhacay degmada Kaaraan, iyadoo dagaalkan uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.
Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa u dhaxeeyay Ciidamo Milateri oo hab beeleed u abaabulan, kuwaasoo isku haya dhul ku yaala degmada Kaaraan, waxaana dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ciidamadan dhex maray dagaalo goos goos ah.
Dagaalkii xalay oo ahaa mid culus ayaa waxaa ka qeyb qaatay gaadiidka dagaalka ee cabdi bilaha loo yaqaano.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Xasilinta Caasimadda oo isku dayay inay kala dhex galaan ciidamada dagaalamay ayaa iyana iska caabin kala kulmay mid ka mid ah dhinacyadii dagaalamayay.
Odayaasha deegaanka iyo saraakiisha ciidamada ayaa wada isku day ku aadan sidii xiisada loo qaboojin lahaa, isla markaana loo xalin lahaa muranka ka jira
Shacabka ku dhaqan degmada Kaaraan ayaa muddooyinkii u dambeeyay wal wal iyo cabsi la soo deristay oo ku aadan iska hor imaadyada ku soo laabanayay degmada, waxaana xaafada Buula Maaxaay oo ah halka iska hor imaadka ka dhacay isaga cararay qoysas dhowr ah.