| | 22 views

AMISOM oo beenisay eedeynta Q.M ee leynta shacab Soomaaliyeed

Guddiga Midowga Afrika ayaa diiday eedeymaha ku aaddan xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ciidamada Amisom ee ku  jiray warbixintii ay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Kaalmooyinka Soomaaliya (UNSOM), Kooxda Xuquuqda Aadanaha iyo Difaaca (HRPG) iyo Guddiga Sare ee Xuquuqda Aadanaha (OHCHR) .

 Guddiga ayaa xusay in ay  walaac ka qabaan  warbixintaasi lagu magacaabo “Ilaalinta Rayidka” islamarkaana eedeymo aysan geysan ciidamada Amisom dusha loo saaray.Waxa ay sheegeen  Amisom in aan warbixinta lagu soo bandhigin xaqiiqda jirta, islamarkaana tacadigaasi ciidanka Amisom lagu eedeeyay aysan gaysan.Warbixintaan kasoo baxday Guddiga Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in warbixinta UN-ka ay iska indha-tirtay baaritaano la taaban karo oo ay fulisay hay’adaha dambi-baarista gudaha ee Midowga Afrika, sida Guddiga Warbixinta (BOI), iyaga oo aan soo bandhigin caddayn adag oo lagu xaqiijinayo natiijooyinka warbixinta, iyo tan, inkastoo ay Amisom bixinayso amniga loo baahan yahay ee Qaramada Midoobay in ay qaadato baaritaankeeda madaxbannaan.

“Guddiga Midowga Afrika ayaa doonaya caddeymo ku saabsan in ciidamada Amisom ay ka dambeyeen dhacdadii Ceelbuur 7-May 2016-ka  iyo dhacdadii Buulo-Burto ee Abriil 2016-ka, ka dib markii baaritaannadu aysan wax caddeyn ah ku lahayn xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ciidamada Amisom. Nasiib daro, nasiib daro, warbixintan ayaa lagu sheegay in ciidamada Amisom ay geysteen Kufsi.” ayaa lagu yiri warbixinta.

“Guddiga ayaa sidoo kale caddeeyay in baaritaan lagu sameynaayo dhacdadii Garastaan ​​ee 18-kii Juun 2017 wali socdo oo aan la soo gabagabeyn, waxaana ay muujineysaa walaac ah in faahfaahinta baaritaan aan weli la soo gabagabeyn loo isticmaalay si loo xaqiijiyo natiijooyinka warbixinta.” ayaa intaasi kusii dartay warbixintiisa.

Warbixintaan ayaa kusoo beegmaysa Xilli Qaramada Midoobay ay ku eedeysay ciidamada Amisom in ay dileen 178-qof oo rayid ah muddadii u dhaxaysay Jannaayo 2016 iyo 14 Oktoobar 2017, islamarkaana ay ku fashilmeen ilaalinta dadka rayidka ah.