| | 121 views

Mareykanka oo sheegay in Duqeyntii Mubaarak ay ahayd mid lala beegsaday gaari Al-Shabaab ka Soo buxiyeen Waxyaabaha Qarxa.

Dowladda Mareeykanka ayaa ka hadashay duqayntii ka dhacday deegaanka Mubaarak, waxayna cadaysay in Ciidamdeeda Qaaradda Africa ay fuliyeen Duqayn ay la beegsadeen gaari ay Al-Shabaab wax yaabaha Qarxa ka soo buuxiyeen.


Mareeykanka ayaa sheegay in Weerarka ay ka Fuliyeen Meel 65 KM u jirta Casimadda Muqdisho, Ciidamadda Mareeykanka ayaa weerarkaasi waxay fuliyeen Talaadadii Saacaadihii hore, iyagoo sheegay inay duqayntaasi ku taageerayeen saaxiibadooda si ay meesha uga saaraan khatarta.
Dhanka kale Diyaaradaha Mareykanka ayaa Mudooyinkii dambe waxay duqeymo la beegsanayeen Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan qeybo ka mid ah gobalada Dalka.