Jeesow “Ma aqbali doono Mooshin laga leeyahay Dano gaar ah”
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa waxa uu ka hadlay arrimo ku aadan in Maalmihii dambe Muqdisho ay ku qabsoomayeen kulamo Siyaasadeed oo ay leeyhiin dhinacyo Mucaarad ku ah Dowladda Fedraalka Soomaaliya.Waxaana uu sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, haddii ay ku milmaan kulamadaasi Siyaasadeed loo baahan yahay in ay ka eegaan danta guud ee Ummadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa Cod dheer ku sheegay in Cidna loogu Aaba yeeli doonin in ay soo abaabusho wax uu ku tilmaamay Mooshin dana gaar ah huwan.
Waxaana uu hoosta ka xariiqay in haatan wada shaqeyn wanaagsan ay ka dhaxeyso Dowladda iyo shacabka Soomnaaliyeed.