| | 244 views

Dabley Hubeysan oo Haweeney ku dilay Magaalada Muqdisho

Rag ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Barqanimadii maanta Haweeyney lagu Magcaabi jira Hodan Guure ku dilay Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Dilkaasi uu ka dhacay Nawaaxiga Warshaddii hore ee Taraqa iyo Sigaarka ee Degmadaasi Deyniile.

Illaa 2 dhalinyaro ah ayaa la sheegay in dilkaasi ay fuliyeen, islamarkaana goobta isaga baxsaday.

Lama oga sababaha ka dambeeya dilkan, balse Shalay ayey ahayd markii Wiil dhalinyaro ahaa lagu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Deynille oo ku aadan dilka Haweyneydaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Muqdisho siyaabo kala duwan uga dhacayay dilal qorsheysan, mana muuqato qorshe cad oo ay Dowladdu wax uga qabaneyso arrimahaasi.