Wariye ku geeriyooday Qarax gaarigiisa loogu xiray.
Wararka naga soo gaaraya degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in qarax lala eegtay gaari uu watay mid kamid ah wariyayaasha ka howlgala Magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa ka dhacay Xaafada Kawaanka ee degmada Wadajir, waxaana Goobta ku geeriyooday Wariye ka tirsan Tvga Afka Somaliga ku hadla ee Kalsan iyadoo ay badbaadeen caruur qeybta danbe ee gaariga saarnaa, Wariyaha qaraxa lagu dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Ibraahim Gaaboow, Masuuliyiin katirsan Tv-ga Kalsan ayaa noo xaqiijiyay geerida Wariyaha.
Qaraxa ayaa ahaa nooca miinada dhajiska ee Gawaarida lagu xiro, waxaana jugta qaraxa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah Xaafadaha degmada Wadajir.
Qaraxa kadib goobta waxaa soo gaaray Ciidamo katirsan degmada Wadajir iyagoo gaariga HARIER-ka ka saaray caruurtii saarneyd qeybta danbe ee qaraxa ka badbaaday.
Wariyaha geeriyooday ayaa sidoo kale bare ka haa dhowr Jaamacadood oo ku yaala Magaalada Muqdisho, wuxuuna Khamiis kasta akhrin jiray Warka ka Baxa Tv-ga kalsan.