| | 118 views

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigii la socday oo dalka dib ugu soo laabtay

Wafdigii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu shir uga qeybgalay magaalada Sharmal Sheekh ee Masar.


Madaxweynaha iyo Wafdigii la socday waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya,waxaana wafdigiisa ka mid ahaa xubno katirsan Golayaasha Baarlamaanka iyo Wasiirada.
Maxamed Cabdullaahi oo ka qeyb-galay Madasha Ganacsiga Afrika 2017 ee magaalada Sharma Sheekh ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo mideynta dadaallada iyo qorsheyaasha wadamada Afrika ee ku aaddan maal-gashiga iyo kor u qaadista iskaashiga ganacsiga.

Dhanka kale khudbad uu shirkaasi ka soo jeediyay madaxweynaha Soomaaliya, isagoo ka hadlay baahida loo qabo in la abuuro jawi maalgashi oo soo jiidanaya maalgashade-yaasha shisheeye iyo kuwa gudaha, waa hiigsi ay dooneyso dowladda kasta in ay ka dhabayso,Si loo gaaro iskaashi dhaqaale oo dhexdeenna ah waa in aan arrinkan ka wada shaqeynaa oo xirriir qoto dheer ka yeelannaa.ayuu intaasi ku daray.