Diyaarad ay siday Soomaali laga soo Masaafuriyay Mareykanka oo dib loogu celiyay isla-dalkaasi.
Wararka ka imaanaya dalka Maraykanka ayaa xaqiijinaaya in waaxda Socdaalka Wadanka Mareykanka ay cadaysay in Diyaarad sidday 92 Qof oo Soomaali ah islamarkaana laga soo Masaafuriyay Wadanka Mareykanka ay Cilad ku timid, Soomaalida ayaa ahaa kuwo laga soo qab qabtay Qeybo kala duwan oo Mareykanka ka tirsan.
Diyaaradda ayaa ka degatay Garoonka Diyaaradaha Caasimada dalka Senegal Dekar,waxayna waaxda Socdaalka Mareykamka ay sheegtay in Dadkaas dib loogu soo celiyay Wadanka Mareykanka kadib markii Diyaaraddii ay la socdeen ay Cilad farsamo ku timid.
Dhanka kale cilada ku timid Diyaaradda kama aysan hadlin waaxda Socdaalka Mareykanka mana sheegin,waxaana Soomaalidaan laga soo Masaafurinayo Wadanka Mareykanka ay yihiin kuwo la sheegay inaysan Sharci haysan,waxaana Wadanka Mareykanka laga soo Tarxiilay Boqolaal Soomaali ah tan iyo markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo Xilka Madaxweynaha Wadankaasi qabtay.